(Europe) 09 Maajo 2018. Xiddiga qadka dhexe ee naadiga PSG Thiago Motta ayaa daaha ka rogay Sheeko Yaab leh oo kala qabsatay isaga iyo Lionel Messi aabihii.
Laacibka reer Brazil ayaa ku soo biiray Barcelona isagoo 17 jir ah wuxuuna labo sano ku qaatay Barca B.
Wuxuu ku Group ahaa Mess iyo Andres Iniesta iyadoo ay markii dambe saddexdooda ku biireen kooxda koowaad ee Barcelona.
Laakiin Thiago Motta ayaa daaha ka rogay Sheeko kala qabsatay isaga iyo Messi aabihii ee Jorge.
“Si xun ayaan Messi ugu jilaafeeyay Tababarka, aabihiis ayaana igu qeyliyay,” Motta ayaa sidaa u sheegay La Gazzetta dello Sport
“Wuxuu igu yiri ‘Si xun ayaad u dishay’, laakiin wadadaas oo kaliya ayaa Messi lagu joojin karaa.
“Tababarka Dagaal ayuu ahaa had iyo jeer.
“Markaan kubbada taabato qofkata ayaa kuu qeylinaya si aad ugu baasto.
“Jilaafooyinka kuwa aad u xun ayay ahaayeen, Laakiin Carles Puyol ayaa ii sheegay inaan sidaa oo kale sameeyo, intaa kaddibna xushmad badan ayaan helay.”.
Gool FM.