(Paris) 09 Maao 2018 Weerar yahanka kooxda PSG ee Edinson Cavani ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya kooxda Atletico Madrid.
Shalay ayaa la baahiyay warar sheegaya in Atletico Madrid ay calaamadaysatay Edinson Cavani si uu u buuxiyo booska la filayo inuu baneeyo Griezmann.
Edinson Cavani ayaa iska fogeeyay wararka la xiriirinaya Atletico Madrid, wuxuuna sheegay inuu aad u jecel yahay funaanada kooxdiisa PSG.
Kadib koobka France oo kooxdu ay xalay ku guulaysatay ayaa la waydiiyay Edinson Cavani mustaqbalkiisa PSG, wuxuuna ku jawaabay:
“Waxaan jeclahay funaanadaan, waxaan jeclahay inaan difaaco kooxdayda PSG, waa inaan ku raaxaysanaa waqtigeena iyo ku guulaysiga koobabka, waxaan jeclahay kooxdaan”.
Gool FM