(Paris) 09 Maajo 2018 Daafaca kooxda PSG iyo xulka Brazil ee Dani Alves ayaa la kulmay xalay kulankii Final-ka French Cup dhaawac aad looga naxay.
Dhaqaatiirta xulka qaranka Brazil iyo kuwo kooxda PSG ayaa durba niyad jab ka muujiyay dhaawicii halista ahaa ee xalay dhanka jilibka ka soo gaaray Dani Alves.
Saxaafada dalka Brazil ayaa maanta aad wax uga qoraya dhaawaca Dani Alves, waxayna isku raacsanyihiin inay aad u yartahay fursada laacibku uu taam ugu noqon karo koobka adduunka.
Baaritaan hordhac ah ayaa haatan lagu sameeyay, balse kooxda iyo xulka qaranka Brazil ayaa si wada jir ah u samaynaya baaritaan kama danbays ah si loo hubiyo xaalada laacibka.
Gool FM