Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Thiago Silva Oo Sheegay Kahor Koobka Aduunka In Neymar Jr Uu La Dhibtoonayo Labo Arimood

$
0
0

(PSG) 08 Maajo 2018. Kabtanka kooxda PSG ee reer Brazil Thiago Silva ayaa wuxuu ka hadlay xaalada xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Neymar Jr, kaasoo mudo aad u fog dhaawac garoomada kaga maqan.

Neymar ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo 25-kii Febraayo inta lagu gudi jiray kulankii Paris St Germain iyo Marseille ka dib markii uu soo gaaray dhaawac daran ee dhanka canqowga ah.

Thiago Silva ayaa sheegay: “Ma ahan Brazil oo kaliya, Qof walba wuu jecel yahay kubada cagta, sababtoo ah Neymar waa uu fiican yahay, waana uu soo kabsanayaa”.

“Tani waxay muhiim u tahay dhaawacyada noocan oo kale ah, toddobaadka soo socda waxaan arki doonaa waxyaabo u fiican isaga, sababtoo ah waa nin aad u xiiso badan”.

“Laakiin wuu murugeysan yahay, sababtoo ah wuxuu inagu arkayaa tababarka, mana awoodo inuu wax sameyno, wuu nala joogay maanta, waxaan qabaa inuu dhibtoonayo, laakiin ciyaarta ka dib wuu faraxsanaan doonaa, sababtoo ah waxaan isku dayi doonaa in wax walba aan isaga dartiis u sameeno, si aan ula dabaal dagno kulanka kadib”.

Paris Saint-Germain ayaa caawa la ciyaari doonta kooxda Les Herbiers kulanka finalka ee France – Cup.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles