(Paris) 08 Maajo 2018 Kubadd qaabeeyaha kooxda PSG ee Thiago Motta ayaa sheegay inuu ku fikirayo ka fariisashada kubadda cagta dhamaadka xiliciyaareed kaan.
35 jirkaan oo isku haysta dhalashada Barzil iyo talaayniga ayaa sheegay in la joogo waqtigii uu macsalaamayn lahaa kubadda cagta.
Thiago Motta oo la hadlay wargayska L’Equipe ayaa yiri:
“6-sano iyo bar ayaan ku qaatay PSG, laakiin haatan waxaan dareemayaa in waqtigaan uu yahay kii ugu danbeeyay ee xirfadayda”.
Dhanka kale, Motta oo ka xumaaday qaabkii kooxdiisa looga reebay Champions League xiliciyaareed kaan, ayaa yiri:
“Waxaan rumaysnaa in xiliciyaareed kaan uu noo yahay mid wanaagsan, laakiin waan ka xumahay ma uusan noqon sidaas”.
Gool FM