( England ) 08 Maaj 2018. Daafaca Laurent Koscielny ayaa maray qaliin dhaawicii soo gaaray iyadoo uu maqnaan doono lix bilood, sida uu shaaciyay macalinka Arsenal Arsene Wenger.
Xiddiga France kasoo jeeda ayaa seegi doona koobka adduunka kadib markii uu six un u dhaawacmay kulankii Atletico Madrid ee asbuucii hore.
Waxa lagu qaaday bareele bilaawgii cayaarta afar dhamaadka Europa League, ay kooxdiisa la kulantay qasaaro 1-0.
Wuxuuna Wenger xaqiijiyay inta lagu guda jiray shirkiisa jaraa’id maanta in 32 jirka daafacaa uu maqnaan doono ilaa bisha December.
Waxuuna yiri: “Koscielny wuu burburay. Wuxuuna maray qaliin isagoo maqnaanaya lix bilood.
“Ma arki doontid ilaa December oo ah marka ugu fiican.
“Wuu seegi doona koobka addunnka.
“Mar walbaa waxaad isku dageysaa inaad fiicnaato. Isku day inaad taageerto dadka marka ay wax soo gaaraan.”
Koscielny ayaa saftay 51 kulan xulka France, iyadoo tani la filayay in ay tahay fursadii ugu dambeysay uu ku matalo koobka adduunka.
Gool FM.