(Madrid) 08 Maajo 2018 Xiddigii hore ee Real Madrid ee Angel Di Maria ayaa dib ugu laabanaya magaalada Madrid oo uu ka tagay xaggaagii 2014.
Soo laabashada Di Maria ee magaalada Madrid ma ahan inuu ku biirayo Real Madrid balse laacibka ayaa laga doonayaa kooxda Atletico Madrid.
Wargayska Marca ayaa daaha ka qaaday in tababare Diego Simeone uu u calaamadaystay in Di Maria uu badal uga dhigo Antoine Griezmann.
Weerar yahanka reer France ayaa u muuqda 90% mid ku sii jeeda kooxda Barcelona oo heshiis shaqsi ah uu la gaaray 4-bil ka hor.
Di Maria ayaa qayb ka ah dhawr laacib oo PSG ay iska fasaxayso dhamaadka xiliciyaareed kaan si kooxdu ay uga badbaado jabinta sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub kadib saxiixyadii Neymar iyo Mbappe.
Gool FM