Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Kooxda ugu fiican Xilli ciyaareedka horyaalka Ligue 1 ee Waddanka Faransiiska oo la shaaciyey

$
0
0

(Paris) 10 Maajo 2018. Waxaa la shaaciyey kooxda ugu fiican xilli ciyaareedka ee horyaalka Ligue 1 ama 11-ka xiddig ee ugu bandhigga fiicnaa kulamadii la ciyaaray horyaalka Faransiiska xilli ciyaareedkan gabagabada ah oo dhan.

Shabakadda ciyaaraha ee Goal.com ayaa shaacisay shaxdan ka kooban 11-ka ciyaaryahan oo ay u aragto inay yihiin kuwii ugu bandhigga fiicanaa xilli ciyaareedkan dhammaadka ah ee horyaalka Ligue 1, waxaana hoggaaminaya xiddigaha PSG ee Neymar Jr iyo Edinson Cavani.

Kooxda ku guuleysatay horyaalka Ligue 1 ee Paris Saint-Germain ayaa shaxdan ku yeelatay xiddigaha ugu badan, waxaana ay ku leedahay shan laacib.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Shaxda kooxda ugu fiican xilli ciyaareedka ee horyaalka Ligue 1 oo ay soo saartay Goal.com:-

Goolhaye: Benjamin Lecomte

Difaacyada: Dani Alves, Marquinhos, Thiago Silva iyo Jerome Roussillon.

Khadka Dhexe: Luiz Gustavo, Tanguy Ndombele, Florian Thauvin iyo Nabil Fekir.

Weerarka: Neymar iyo Edinson Cavani.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles