(PSG) 11 Maajo 2018. Maamulka kooxda Paris Saint – Germain ayaa waxay fariin cad u direen dhigooda Real Madrid ee dalka Spain, taasoo ku aadan inaysan iibin doonin laacibka reer Brazil ee Neymar Jr
PSG ayaa waxay kusoo daabacday barteeda sawirka ee Twitter-ka sawirka Neymar Jr ee xiran maaliyda cusub ay kooxda ku ciyaari doonto xili ciyaareedka cusub ee 2018-2019.
Waxaana kooxda reer France ee Paris Saint – Germain ay sawirka soo raacisay qoraal gaaban ee ah: “Maaliyada cusub ee kooxda PSG xili ciyaareedka 2018-2019”.
Waxaa jirtay isbuucyadii dhawaa ee lasoo dhaafay warar ku aadan in Neymar Jr uu ku dhowr yahay dib ugu laabashada horyaalka La Liga ee dalka Spain si uu xirto maaliyada kooxda Real Madrid, kadib marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee soo aadan.
Gool FM.