(PSG) 11 Maajo 2018. Difaaca kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka qaranka Brazil ee Dani Alves ayaa ka maqnaan doona koobka aduunka 2018 ka dhici doono dalka Russia
Dani Alves ayuu dhaawac kasoo gaaray kulankii finalka France Cup ay ku wada ciyaareen kooxaha Paris Saint-Germain iyo Les Herbiers, wuxuuna dhaawaca soo gaaray dartiis kaga baxay ciyaarta kahor 3 daqiiqo dhamaadka ciyaarta
Wrgeyska “Sport” ee gobolka Catalonia ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Dani Alves uusan kaga qeyb gali doonin xulka qaranka Brazil koobka aduunka soo aadan ee 2018 ka dhici doono dalka Russia.
Warkan kasoo yeeray wargeyska ayaa wuxuu imaaanayaa kadib markii uu hadalkan xaqiijiyay dhakhtarka xulka qaranka Brazil Rodrigo Lasmar in Dani Alves uu dhaawac daran kasoo gaaray jilibka isla markaa uu mari doono qaliin.
Kooxda caafimaadka ee Brazil ayaa u safartay Paris si ay ula kulmaan Dani Alves isla markaana baaritaano loogu sameeyo, kahor inta aanay soo bixin natiijo aan wanaagsaneen, ciyaaryahanka ayaana qalliin looga sameyn doonaa jilibka wuxuuna ugu yaraan garoomada ka maqnaan doonaa mudo lix isbuuc.
Macalinka xulka qaranka Brazil Tite ayaa la filayaa in badalka Dani Alves uu u dooqan doonaa midkood xidigaha Manchester City Danilo ama kan kooxda Bayern Munich Rafinha.
Gool FM.