(PSG) 11 Maajo 2018. Xidiga reer Brazil ee Neymar Jr ayaa weli ka soo kabanaya dhaawacii jabniinka ahaa ee kasoo gaaray dhanka canqawga, kaaso sababay inuu ka maqnaado kooxda PSG mudo dhan 2 bilood.
Xidiga reer Brazil ayaa si xoogan lala xiriirinayaa in uu ku biiri doono kooxda Real Madrid xili ciyaareedka soo aadan, wuxuuna ku gudi jiraa marxalada ugu dambeesay ee kaga soo kabanayo dhaawaca uu qabay mudada fog.
Neymar Jr ayaa diyaar u ah haatan in uu xulkiisa qaranka Brazil kala qeyb galo koobka aduunka ee 2018 ka dhici doono dalka Russia.
Laakiin xidiga kooxda PSG ayaa qirtay inuu baqanayo kadib dhaawacii soo gaaray, iyadoo lagu sii dhawaanayo xiliga uu dib garoomada ugu soo laaban lahaa.
Neymar ayaa wuxuu hadalkan ka dhawaajiyay kadib markii uu wareysi la yeeshay xidigii hore xulka qaranka Brazil Zico.
“Koobka adduunka waa mid cajiib ah, soo kabsashadu si fiican ayay u socotaa, laakiin waxaan ka baqayaa inaan soo laabto”.
Gool FM.