(PSG) 11 Maajo 2018. Xidiga kooxda Paris St Germain Ángel Di María ayaa wuxuu xiiseenayaa in markale uu dib ugu laabto horyaalka La Liga ee dalka Spain kadib marka uu soo idlaado xili ciyaareedkan.
Wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Ángel Di María uu xiiseenayo imaatinka kooxda Barcelona, xili la ogsoon yahay in uu si xoogan ugu dhawaaday xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, hadii aysan diidi lahayn PSG dalabka kaga yimid kooxda reer Spain.
Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaa in laacibka uu durbadiiba bilaaway inuu qaado tallaabooyin lagama maarmaan u ah inuu dib u bilaabo wadahadaladii Barcelona.
Ángel Di María ayaa wuxuu doonayaa in xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Lionel Messj uu kaga faa’iideysto in markale uu dib ugu laabto horyaalka La Liga gaar ahaan si uu u xirto maaliyada kooxda Barcelona xili ciyaareedka xiga
Imaatinka Di María ee kooxda Barcelona ayaanan noqon doonin arin fudud, sababa la xiriira in kooxda reer Catalonia ay dooneyso lasoo saxiixashada Antoine Griezmann dhamaadka xili ciyaareedkan.
Laakiin Xaaska Di María ayaa doonaysa inuu ku laabto Real Madrid, halka Di Maria uu garowsan yahay in Barcelona ay leedahay fursado badan uu ugu guuleysan karto koobab.
Gool FM.