Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Marquinhos oo beeniyay inuu ka tagayo kooxdiisa PSG

$
0
0

(Paris) 12 Maajo 2018 Daafaca kooxda PSG ee Marquinhos ayaa beeniyay inuu ka tagayo kooxdiisa dhamaadka xiliciyaareed kaan.

23 jirka reer Brazil ayaa lala xiriiriyay inuu ka tagi doono kooxdiisa PSG suuqa xaggaagan maadaama uu diirada u saaran yahay Barcelona iyo Real Madrid.

Image result for marquinhos

Marquinhos ayaa beeniyay wararkaas wuxuuna xaqiijiyay inuu sii joogayo kooxdiisa xiliciyaareedka dambe.

“Waxaan doonayaa inaan sii joogo, waxaan rumaysanahay in madaxwaynaha PSG uu doonayo inaan sii joogo” ayuu yiri Marquinhos.

“Dabcan halkaan ayaan joogayaa xiliciyaareedka dambe, fursada aan ku sii joogi karo waa 11/10 (Tobankiiba kow iyo toban)”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles