(Paris) 12 Maajo 2018 Kooxda PSG ayaa markale soo cusboonaysiisay xiisaha ay u qabto kubadd abuuraha kooxda Juventus ee Miralem Pjanic.
Kooxda reer France ayaa isku dayi doonta dhamaystirka saxiixa 28 jirka reer Bosnia suuqa kala iibsiga ee xaggaagan sida ay baahisay TuttoMercato.
Inkasta oo PSG aysan wali ku dhawaaqin magaca tababaraheeda cusub ayaa hadana la filayaa in kooxdu ay dalab ka gudbiso Miralem Pjanic isbuucyada nagu soo aadan.
Miralem Pjanic ayaa dhankiisa doonaya inuu ka tago Juventus maadaama aan la hubin mustaqbalka tababare Allegri kaas oo ku sii jeeda kooxda Arsenal.
Gool FM