Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Marco Verratti Oo Kala Hadlay Maamulka Kooxda Paris-St Germain Arimo Ku Saabsan Mustaqbalkiisa

$
0
0

(PSG) 12 Maajo 2018. Laacibka kooxda Paris-St Germain ee Marco Verratti ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu xiiseenaayo sii joogi taanka kooxdiisa reer France ilaa iyo uu kala guuleesanayo tartanka Champions League.

Wareysi uu siiyay ciyaaryahanka heerka caalami wargeyska “Le Parisien” ayuu ku sheegay in maamulka kooxd PSG uu kala hadlay mustaqablkiisa, kadib markii ay dib u soo baxeen warar ku aadan inuu ka tagayo kooxda.

“Waxaan la hadlay kooxda si aan daganaan ugu ciyaaro xili ciyaareedka soo aadan , sababtoo ah waxaan doonayaa inaan sii joogo kooxdan”.

“Waxyaabaha ugu muhiimsan ee sanadaha soo socda waa in dhamaanteen aaminsanaano mashruuca kooxda, waa inaan noqonaa koox fiican, islamarkaana aan sii wadno inaan horumar sameyno, si aan indhaha ugu heyno ujeedooyinka aan leenahay”.

Marco Verratti ayaa lala xiriiryay labadii suuq ee lasoo dhaafay kooxda ka dhisan Goboloka Catalonia ee Barcelona oo si xiigan u dooneesay adeegiisa balse PSG ayaa meel sare iska taagtay in ay iska fasxdo si uu kooxda u sii joogo mudo fog.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles