(PSG) 12 Maajo 2018. Paris Saint-Germain ayaa si rasmi ah u shaacisay in laacibkeeda reer Brazil ee Neymar Jr uu dib ugu soo laabanayo tababarka bari oo Axad ah, kadib markii uu si wanaagsan kaga soo kabtay dhaawacii jabniinka ahaa ee ka soo gaaray dhanka canqawga.
Kooxda reer France ayaa war rasmi ah ay soo saartay ku sheegtay: “Neymar wuxuu bilaabi doonaa diyaar garow jireed maalinta burrito ah”.
Neymar ayaa ku sugnaa dalkiisa hooyo ee Brazil tan iyo dabayaaqadii Febraayo, wuxuuna qaliin dhanka canqawga ha ku maray dalka Brazil, kadib dhaawacii Jabniinka ahaa ee kasoo gaaray dhanka canqowga kulankii Marseille
Si kastaba laacibka kooxda Paris Saint-Germain ayaa wuxuu la dagaalayaa waqtiga si uu xulkiisa qaranka Brazil kala qeyb galo koobka aduunka ee 2018 ka dhici doono dalka Russia.
Gool FM.