(PSG) 12 Maajo 2018. Tababaraha Raris-Saint-Germain Unai Emery ayaa fariin u diray Dani Alves kadib markii ciyaaryahanka reer Brazil la xaqiijiyay inuu seegi doono Koobka Aduunka ee 2018-ka lagu qaban doono Russia.
Xidigii hore ee Barcelona ayaa dhaawacmay intii lagu guda jiray kulankii Coupe de France wuxuuna dhaawac kasoo gaaray dhanka jilibka midig, waxaana la xaqiijiyay inuu ka maqnaan doono koobka aduunka.
Unai Emery aayaa yiri: “Dhab ahaan waan ka qoomameynayaa maqnaanshaha Dani Alves ee koobka aduunka 2018 ka dhici doono dalka Russia”.
“Waxaa tusaale kaaga filan inuu ka ciyaaro qalbiga, xirfadiisa kubada cagta waa mid cajiib ah, isagoo jira da’aada 35-aad, wuxuu wali leeyahay ruux u dagaalameysa saaxiibadiis iyo kooxda”.
“Sidaas darteed waxaan u dirayaa sida weyn aan kaga xumahay in uu dhaawac ku seego koobka aduunka 2018”.
Gool FM.