(PSG) 19 Luulyo 2018. Madaxweynihii hore Marco Verratti ee kooxda Pescara ayaa kula taliyay xidiga khadka dhexe reer Talyaani inuu isaga dhaqaaqo Paris St Germain, si uu tijaabiyo loolan cusub.
Inkastoo lala xiriirinayo Marco Verratti inuu ka dhaqaaqi doono kooxda Paris St Germain hadana ilaa iyo haatan laacibka reer Talyaani ayaan helin dalab macquul ah uu ku qanci karo.
Laakiin madaxweynihii hore kooxdii uu ku soo hana qaaday Marco Verratti ee Pescara ayaa aaminsan in haatan la gaaray xiliga uu jawi badalan lahaa Verratti.
“Marco waa inuu bedelaa goobta”.
“Si wanaagsan ayuu u ciyaaray shaqo fiicana waa uu ka qabtay kooxda PSG”
“Laakiin ma xuma hadii uu jawiba badasho, sababtoo ah waa wax wanaagsan kadib dhowr sano”.
Gool FM.