(Paris) 19 Luulyo 2018 Wargays ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa cunsuriyad kula kacay ciyaartoyda xulka qaranka France oo ku guulaystay koobka adduunka.
Wargayska Charlie Hebdo ayaa daanyeero u galiyay labiska xulka France ee buluuga ah, wuxuuna u dhiibay koobka adduunka oo loo ekeysiiyay Moos.
Mid kamid ah daanyeerada ayaa waydiinaya kan kale “Orongo miyaa waxaan? mid kale ayaa waydiinaya “Moos miyaa waxaan?.
14-kamid ah ciyaartoydii xulka France la qaaday koobka adduunka ayaa asal ahaan ka soo jeeda Afrika, waana sababta wargayskaan uu cunsuriyada ugula kacay ciyaartoyda Faransiiska.
Gool FM