(Real Madrid) 20 Luulyo 2018. Xidiga kooxda Paris St Germain Neymar ayaa ka baxay aamusnaanta ka dib markii lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid Isbuucyadii lasoo dhaafay.
Waxaa jiray warar badan ee ku aadan in xidiga reer Brazil uu noqonayo badalka Cristiano Ronaldo ee garoonka Santiago Bernabeu.
Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u koray sida uu Neymar Jr ugu qal qaalin lahaa in uu yimaado Los Blancos xili ciyaareedka soo aadan.
Laakiin Neymar Jr ayaa ugu dambeyntii qalbi jab ku riday maamulka iyo jamaahiirta kooxda Real Madrid wuxuuna sheegay in uu sii joogayo kooxda PSG xili ciyaareedka soo aadan.
“Waxaan sii joogi doonaa PSG, waxaan kula jiraa heshiis, waxaan u imid inaan galo loolan cusub, waxay leeyihiin waxyaabo cusub”.
“Waxaana doonayaa in ujeedka aan halkan u imid ku guuleysto, sidaas darteed waa muhiim inaan sii joogo”.
Gool FM.