(Moscow) 20 Luulyo 2018. Koobka Adduunka 2018 ayaa lagu soo afmeeray Waddanka Ruushka, waxaana ku guuleystay xulka qaranka Faransiiska kaddib markii uu 4-2 uga adkaaday Croatia kulankii Final-ka ee tartankan.
Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa kooxaha xiddigahoodu goolasha ugu badan ka dhaliyeen Koobka Adduunka 2018:-
Kooxda xiddigaheedu ay goolasha ugu badan ka dhaliyeen Koobka Adduunka waa naadiga Tottenham ee ka dhisan Premier League taasoo xiddigo ka tirsan ay 12 gool ka dhaliyeen Koobka Adduunka 6 ka mid ah goolashaasna waxaa dhaliyey Harry Kane oo ku guuleystay Kabta dahabka ah.
Barcelona ayaa kaalinta labaad ku jirta oo xiddigo ka tirsan ay goolal badan ka dhaliyeen dhacdada koobka Adduunka waxaana ay ka dhaliyeen xiddigaheedu 11 gool.
Naadiga Real Madrid ee Waddanka Spain ayaa iyana kaalinta saddexaad ka soo muuqatay taasoo ciyaartoydeedu ay 10 gool ka dhaliyeen dhacdadii lagu soo gabagabeeyey Waddanka Ruushka.
Kooxda PSG ee Waddanka Faransiiska ayaa booska afaraad soo degtay taasoo xiddigaheedu ay 9 gool ka dhaliyeen koobka Adduunka 2018.
Kooxaha Manchester United iyo Atletico Madrid ayaa safkan hoos ka hoggaaminaya oo ciyaartooy ka tirsani ay min 8 gool ka dhaliyeen Koobka Adduunka 2018.
Gool FM.