(Moscow) 20 Luulyo 2018. Koobka Adduunka 2018 ayaa Axaddii la soo dhaafay lagu soo gabagabeeyey Waddanka Ruushka kaasoo marti gelinayey sanadkan dhacdada ugu weyn kubadda cagta.
Xulka qaranka Faransiiska ayaa ku guuleystay Koobka Adduunka 2018 kaddib markii 4-2 kaga adkaaday kulankii Final-ka xulka qaranka Croatia.
Dhammaan Taageerayaashii ciyaaraha koobka Adduunka u soo daawashada tagay waxa ay boorsooyinkooda ka xir-xirteen Waddanka Ruushka, iyagoo dib ugu laabtay dalalkoodii, laakiin waxaa jira boqolaal Afrikaan ah oo weli ku go’doonsan dalka Ruushka.
Taageerayaal gaaraya 200 oo qof oo u dhashay Waddanka Nigeria, kuwaas oo ay khiyaameen shirkadihii tikidhada u soo jaray ayaa weli ku xayiran Waddanka Ruushka.
Dadkan ayaa markii hore tikidhada loogu jaray aqoonsiyo been abuur ah, iyadoo markii ay Ruushka tageenna la kansalay tikidhadoodii noqoshada (return tickets).
Markii dambe waxa ay Taageerayaashaasi dantu ku kalliftay inay gaaraan safaaradda Waddankooda Nigeria uu ku leeyahay Magaalada Moscow ee Caasimadda Waddanka Ruushka, 60 qofood ayaana hal habeen hor seexday dhismaha Safaaradda.
Hoteello raqiis ah ayey markii dambe Safaaradda Nigeria dejisay dadkii dhismahooda horseexday.
Geesta kale, Madaxweynaha dalka Nigeria ee Muhammadu Buhari ayaa la warinayaa inuu la xiriiray Wasiirka Arrimaha dibadda Nigeria ee Geoffrey Onyeama iyo Wasiirka duulista ee Hadi Sirika, waxaana uu ka codsaday in si deg deg ah dadkaasi ku go’doonsan Magaalada Moscow dib loogu soo daad-gureeyo dalkooda.
Gool FM.