( Macon ) 21 Luulyo 2018. Antoine Griezmann ayaa ahaa mid helay soo dhaweyntii ugu weyneed nolashiisa markii uu booqday jimcihii magaalada uu kasoo jeedo ee Macon.
Griezmann, oo uu wehliyo koobka adduunka, ayaa ku farxay 2,000 oo taageraal ah kusoo dhaweeyay magaalada yar ee ku taal Bariga France.
27 sano jirkaan ayaa la taagnaa xaaskiisa, Erika Choperena, iyo gabadhiisa Mia isagoona salaam weyn ka gudoomay dadkii soo buux dhaafiyay hoygiisa.
Boor weyn oo uu ku qoran tahay: ‘Merci Antoine!’, oo Macnaheedu yahay “ Mahadsanid Antoine” ayaa ku dhagnaa halka uu taagnaa.
Intaa kadib Griezmann, wuxuu ahaa mid qeyb ka ahaa kooxdii France u suuragaliyay iney ku guuleystaan koobka adduunka markii labaad.
Weeraryahanka Atletico Madrid ayaa dhaliyay gool sido kalena sameyay caawinaad cayaartii finaalka oo ay 4-2 kaga badiyeen Croatia axadii lasoo dhaafay.
Guud ahaan Griezmann ayaa dhaliyay afar gool wuxuuna caawiyay laba kale todabadii cayaar uu kasoo muuqday tartankii lagu soo gabagabeeyay Russia.
Muuqaalka magaalda Macon ayaa wax xooga ka duwanaa soo dhaweyntii weyneed ee Paris ka dhacday Isnintii hore markaa oo Didier Deschamps iyo cayaartooydii ay soo dhaweeyeen 500,000 ( Shan boqoloo kun ) oo taageerayaala.
Gool FM.