(Paris) 12 Agoosto 2018 Laacibka PSG iyo xulka France ee Adrien Rabiot ayaa sii shiday xiisaha uga imaanaya kooxda Barcelona suuqa xaggaagan.
Wargayska L’Equipe ayaa baahiyay in Adrien Rabiot uu niyad jabiyay kooxdiisa PSG kadib markii uu diiday inuu saxiixo heshiis cusub oo la soo hordhigay.
Tilaabada uu qaaday Adrien Rabiot ay soo noolaysay rajadii Barcelona ay ka qabtay inay la wareegto 23 jirkaan suuqa xaggaagan.
Qandaraaska Adrien Rabiot ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, kooxda ayaa ku qasban inay iska iibiso haddii uu diido inuu saxiixo heshiis cusub.
Gool FM