(Paris) 28 Agoosto 2018 Ismaan dhaafka u dhexeeya Adrien Rabiot iyo maamulka PSG ayaa gaaray meel halis ah kadib markii laacibku uu diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda.
Qandaraaska Adrien Rabiot ee PSG ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kaan, wuxuuna doonayaa inuu ku biiro Barcelona oo uu heshiis afka ah la gaaray.
Canal+ ayaa daaha ka qaaday in maamulka PSG ay u qabteen Adrien Rabiot ilaa barri oo arbaco ah si uu uga jawaabo inuu saxiixayo heshiiska cusub iyo inkale.
PSG ayaa qaadan doonta go’aan ah inay iska iibiso haddii uu diido inuu saxiixo heshiis cusub suuqa kala iibsiga ee xaggaagan oo xirmaya jimcaha.
Gool FM