Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

PSG oo N’Golo Kante soo hordhigtay heshiis 5 sano ah iyo laacibka oo aqbalay

$
0
0

(Paris) 05 Juunyo 2016 Kooxda reer France ee PSG ayaa dadaalkeedii ugu danbeeyay ku jirta si ay u hesho laacibka qadka dhexe ee Leicester City N’Golo Kanté.

Le Parisien ayaa shaacisay in masuuliyiin ka socota kooxda PSG ay kulan la qaateen isbuucii hore N’Golo Kanté waxayna soo hordhigeen heshiis 5 sano ah haddii uu aqbalo ku biiridooda.

Wakiilada N’Golo Kanté ayaa loo sheegay in PSG ay miiska saarayso qiimaha lagu burburin karo heshiiskiisa oo ah 25 milyan oo Ginni haddii uu ogolaado ku biirida kooxda macalin Laurent Blanc.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Kante oo horay uga caga jiidayay inuu dib ugu laabto faransiiska uu haatan aad ugu qanacsanyahay ku biirida kooxda PSG.

PSG ayaa doonaysa inay ka dul qaado saxiixa N’Golo Kanté kooxda Chelsea oo aad u baadi goobaysay 10-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles