(France) 11 Juunyo 2016. Dimitri Payet ayaa xalay wacdaro ka dhigay kulanka furitaanka ee Euro 2016 kaddib markii uu gool caawiyay misane goolka guusha dhammaadkii ciyaarta laad quruxu badan guusha ugu dhiibay xulkiisa France ciyaar ay ka adkaadeen Romania.
29-jirka ayaa ooyin jabsaday kaddib markii uu badelay tababare Deschamps goolkii guusha kaddib.
Payet, kaa oo sanadkan uun ka soo mid noqday xulka qaranka Faransiiska ayaa ahaa laacibka ugu fiican garoonka xitaa inta uusan dhalin goolka guusha, wuxuuna karoos qurxoon madaxa u saaray Olivier Grioud oo dhaliyay goolkii furitaanka ciyaarta.
“Waxay ahayd cadaadis badan, cadaadis aad u badan, haddii uu qof ii sheegi lahaa inay sidaa ku dhammaaneyso sheekada uma maleynayo inaan aamini lahaa,” Payet ayaa sidaa yiri.
“Waxay ahayd dareenkaa iyo qiirada ka dhalatay goolka.
“Bilowgii xilli ciyaareedka, dad badan ayay ku adkeyd inay aaminaan inaan joogi doono halkan oo aan qeyb ka ahaan doono xulka Faransiiska.
“Waxaan halkan ku imid si adag oo aan u shaqeeyay.”.
France ayaa khasaarisay fursado badan qeybtii hore ee ciyaarta, ka hor inta uusan cadaadiska ka dajin Giroud oo madaxa ku dhaliyay baas kaga yimid Payet qeybti labaad.
Laakiin dabaal degga waxaa qasay Evra oo rigoore ku keenay xulkiisa waxaana gool u badelay Bogdan Stancu, laakiin xiddiga West Ham ayaa gool caaqibo leh guusha ugu dhiibay xulka Faransiiska dhammaadkii ciyaarta.
Gool FM.