Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

“Waxaad garoonka ku aragteen nin dhaawacan oo ciil qaba.” Thierry Henry oo amman ugu qubeeyay Dimitri Payet

$
0
0

henryy

(France) 11 Juunyo 2016. Rugcadaagii xulka France iyo Arsenal Thierry Henry ayaa sheegay in dareenkii Dimitri Payet kaddib markii uu dhaliyay goolkii guusha ee kulankii furintaanka Euro 2016 oo lagu qabanayay dalkooda ay ka gaareen Romania ay caddeyn u ahayd inta uu la ekaa dhaawaca uu qabay xiddiga West Ham kaddib markii laga tagay koobkii adduunka ee lagu qabtay Brazil 2014.

Payet ayaa xulka France halbowle u ahaa intii lagu guda jiray isreeb-reebka koobkii adduunka ee labo sano ka hor, balse laguma soo darin shaxdii xulka uga qeyb gashay koobkaasi iyadoo ay jirtay inuu ahaa geesiga dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 89-aad ciyaartii xalay ka dhacday Stade de France.

Rugcadaagii xulka Fransiiska Henry ayaa sheegay in dareenkii uu soo bandhigay Payet ay caddeyn u ahayd dhaawaca gaaray markii laga saaray xulka.

“Wuxuu mooday inuu aadayo koobkii adduunka ee Brazil, wuxuu ku lug lahaa kulan kasta ee kulamadii isreeb-reebka.” Henry ayaa sidaa u sheegay BBC.

henry1

“Ma aysan u soo xulan xulka. Waxaad maanta garoonka ku aragtay nin dhaawacan.

“Waxaad aragteen nin doonaya inuu u ciyaaro dalkiisa, waxaad aragteen nin yiri, ‘iima suu xulanin inaan ciyaaro koobkii adduunka ee Brazil, waxaan idin tusinayaa waxaad iska lumiseen, waxaan idin tusiyay inay noqotay inaan ka ciyaaro Premier League si aad u aqoonsataan xirfada aan leeyahay.

“Midaas ayuu doonay inuu caawa muujiyo, wuxuu doonay kubbad kasta. Kubbad kasta.

“Kooxda halkaa ayay joogtay, kaligaa ma guuleysan kartid kulanka, laakiin laadkaas uu dhaliyay Payet. Oh my gosh.”.

 Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles