(Madrid) 11 Juunyo 2016. Xulka Faransiiska ayaa guul ku daah furtay koobka ay marti galinayaan ee Euro 2016 kaddib markii ay 2-1 kaga talaabsadeen xulka Romania, Laakiin Karim Benzema kama mid ahayn safka xulkiisa maadaama laga reebay sababo la xiriira fal xumo.
Xiriirka kubbada cagta ee Faransiiska ayaa ka reebay Benzema xulka kaddib sheekadii cajalka galmada uu suuqa madow ku heystay Benzema xiddiga gaaban ee Mathieu Valbuena.
Sidaas ay tahay oo Benzema laga reebay xulkiisa misane weli taageere ayuu u yahay oo ciyaartii xalay wuxuu ka daawanayay qolkiisa fadhiga.
Rugcadaagii kooxda Man United Eric Cantona ayaa ku sheegay in sababta kaliya ee Benzema looga reebay qaranka Faransiiska ay tahay wax jinsiyadiisa la xiriira oo isir-faqooq ayaa looga reebay, Benzema qudhiisa ayaa hadalkaa oo kale yiri isagoo ku sheegay tababaraha xulka faransiiska inuu yahay mid madaxa u foorariyay cusuriyada mar uu u waramayay Marca.
Sikastaba, dhaliyaha Real Madrid ayaa soo dhigay boggiisa Instagram sawir isagoo daawanaya ciyaarta France iyo Romania.
EEG SAWIRKA:
Gool FM.