Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Horudhac: Kooxaha Lyon vs Juventus… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ka dhacaya Faransiiska ee 16-ka Champions League)

$
0
0

(Lyon) 26 Feb 2020. Kooxda Juventus ayaa wajahaysa naadiga Lyon lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League, iyagoo dib ugu soo laabtay kaalinta koowaad ee kala sarreynta horyaalka Serie A.

Inkasta oo aan laga badinin labadii kulan ee ugu dambeeyay, Lyon ayaa tartankan la galaysa kooxda reer Talyaani, iyadoo haatan fadhisa booska 7-aad ee horyaalka Ligue 1.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA – Champions League

Taariikhda: Arbaco, 26 Feb 2020

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Groupama Stadium

Garsooraha: Jesus Gil (Spain)

Wararka Kooxaha:-

Kooxda Lyon ayaa qarka u saaran inay dhaawacyo ku weyso ugu yaraan shan ciyaaryahan kulanka caawa, kuwaasoo uu ku jiro kabtankooda Memphis Depay.

Bruno Guimaraes ayaa ku raaxaysatay inuu dhawaan u saftay kulankiisii ugu horreeyey Lyon dhowaan, laakiin ma cadda haddii uu ku soo bilaaban doono kulankan.

Lyon waxa ay ciyaareen saddex daafac kulankoodii ugu dambeeyey, taasoo laga yaabo inay muujiso hammigooda ay ka qabaan Juventus, xaaladaasna ay adeegsanaan oo ay ku soo bilaabaan daafaca, Marcelo, Joachim Andersen iyo Jason Denayer.

Martin Terrier, Maxwel Cornet iyo Bertrand Traore ayaa ku tartamaya labada boos ee weerarka.

Dhinaca kale Kooxda Juventus macallinkeeda Maurizio Sarri ayaa la sheegayaa inuu dooran doono saddex weeraryahan oo kala ah Juan Cudrado, Paulo Dybala iyo Cristiano Ronaldo.

Aaron Ramsey ayaa ugu dambeyntii helay kulamo badan oo uu ka hoos ciyaarayo Juventus wuxuuna rajeynayaa inuu booskiisa ku sii nagaado safka hore ee kulanka caawa ee Champions League.

Rodrigo Bentancur ayaa ka mid noqon doona saddexda khadka dhexe ee Juventus haddii Miralem Pjanic uu meesha ka saaro hogaamiyaha kooxda Serie A, Blaise Matuidi iyo Adrien Rabiot ayaana u tartami doona booska kale ee khadka dhexe.

Leonardo Bonucci ayaa seegay kulankii ay Juventus guusha 2-1 ah ka gaartay kooxda SPAL dhowaan, waxaana uu diyaar u yahay inuu ku soo laabto halkan, xitaa waxaa laga yaabaa inuu weheliyo Giorgio Chiellini, kaasoo ka soo laabtay dhaawac muddo dheer uu ku maqnaa, Matthijs de Ligt ayaana ku soo bilaaban doona haddii Chiellini uusan diyaar ahayn.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Lyon waxaa ka reebay kooxaha reer Talyaani wareegga bugbaxa Champions League labada jeer ee ay la kulmeen: 1-3 isku celcelis ahaan AC Milan ayaa ku reebtay siddeed dhammaadka kal ciyaareedkii 2005/06, halka 0-2 ay ku qabtay Roma wareegga 16-ka fsal ciyaareedkii 2006/07, dhanka kale, kooxda Juventus ayaa mar walba u gudubta wareegga xiga marka ay wajaho kooxaha Faransiiska wareegga 16ka ee tartankan afar goor oo ay la kulantayna afartaba waa ay gudubtay.

>- Lyon ayaa u gudubtay wareegga bug-baxa Champions League in ka badan koox kasta oo kale oo Faransiis ah waxaana ay gaareen 11 goor, si kastaba ha noqotee, waa 10 sano illaa iyo markii ay ka gudbeen wareegga 16-ka kal ciyaareedkii 2009/10, runtiina waxay dhalisay kaliya saddex gool sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaareen heerka bug-baxa tartankan. (1 Guul, 2 Barbaro iyo 6 Guuldarro).

>- Toddobo ka mid ah siddeedii kulan ee ugu dambeeyay oo ay Lyon garoonkeeda ku ciyaareen waxay ku dhammaadeen barbaro, halka kulanka kale ay adkaatay, afar ka mid ah kulamadaas waxa ay ku dhammaadeen 2-2 goolal ah. Juventus ayaa ahayd kooxdii ugu dambeysay ee garoonkeeda kaga badiso naadigan tartanka Champions League, waxaana ay ahayd bishii October sanadkii 2016, iyagoo kaga adkaaday 0-1.

>- Juventus ayaa guuldarro la kulantay kaliya mid ka mid ah todobadeedii kulan ee ugu dambeeyey Champions League oo ay ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda tartanka heerkiisa bug-baxa, waxaana ay haystaa 4 Guul iyo 2 Barbaro, halkaas guuldarrana waxa ay ka soo gaartay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay Atletico Madrid oo wareegga 16-ka tartankan uga adkaatay 2-0.

Memphis Depay oo lix gool dhaliyey afar kalena caawiyey ayaa gacan ka geystay 45% goolasha ay Champions League ka dhalisay Kooxda Lyon tan iyo markii uu bilowday xilli ciyaareedkii la soo dhaafay 10 gool ayuu ku lug lahaa 22 kulan, si kasbata ha noqoteen kooxda reer France ayaan heli doonin adeegga weeraryahanka reer Holland kaasoo dhaawac ku maqan kulankan.

>- Juventus ayaa guuleysatay shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Champions League.

>- Kooxda Juventus ayaa dhalisay ugu yaraan labo gool 5 ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay dheeshay Champions League.

>- Juventus ayaan la garaacin shanteedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday naadiga Lyon tartammada oo dhan.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

 

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles