(France) 27 Feb 2020. Lyon ayaa guul kaga gaartay kooxda Juventus Groupama Stadium kulanka lugta hore wareega 16-ka ee tartanka UEFA Champions League, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-0.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Lyon.
Daqiiqadii 31-aad kooxda Lyon ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Lucas Tousart, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Houssem Aouar.
Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 1-0 ay kaga adkaatay kooxda Lyon naadiga Juventus oo marti ugu aheyd garoonka Groupama.
SAWIRRO:
Gool FM.