(Yurub) 27 Feb 2019. Kulammo dhowr ah oo ka tirsan tartanka Europa League wareeggiisa 32-ka kooxood weliba lugta labaad ayaa caawa la ciyaarayaa iyadoo kooxo waa weyn ay caawa dheeli doonaa.
Manchester United, Arsenal, Inter Milan, Ajax, Roma iyo Sevilla ayaa ka mid ah kooxaha caawa ciyaari doona tartanka labaad ee ugu xiisaha badan Yurub ee Europa League.
Kooxda uu hoggaamiyo macallin Ole ee Man United ayaa caawa soo dhoweynaysa naadiga Club Brugge oo lugtii hore ay la soo gashay barbaro 1-1, halka Arsenal ay u London ku soo dhoweynayso naadiga Olympiacos oo kulankii lugta hore ay uga soo adkaatay 1-0.
Sevilla ayaa soo dhoweynaysa CFR Cluj, Kooxda reer Talyaani ee Inter ayaa qaabilaysa Ludogorets Razgrad, naadiga Roma ayaa u safreysa Gent, halka Ajax ay la dheeleyso Getafe oo ay marti qaadi doonto doonto.
Haddaba halkaan hoose ka eeg dhammaan kulammada caawa laga ciyaari doono lugta labaad ee 32-ka kooxood tartanka Europa League iyo saacadaha ay soo geli doonaan:-
8:55 Habeennimo Basel vs APOEL Nicosia
8:55 Habeennimo RCD Espanyol vs Wolverhampton Wanderers
8:55 Habeennimo FC Porto vs Bayer Leverkusen
8:55 Habeennimo Gent vs Roma
8:55 Habeennimo Istanbul Basaksehir vs Sporting CP
8:55 Habeennimo LASK vs AZ Alkmaar
8:55 Habeennimo Malmoe FF vs Wolfsburg
11:00 Habeennimo Ajax vs Getafe
11:00 Habeennimo Arsenal vs Olympiacos
11:00 Habeennimo Benfica vs Shakhtar Donetsk
11:00 Habeennimo Celtic vs FC Koebenhavn
11:00 Habeennimo Inter vs Ludogorets Razgrad
11:00 Habeennimo Manchester United vs Club Brugge
11:00 Habeennimo Salzburg vs Eintracht Frankfurt
11:00 Habeennimo Sevilla vs CFR Cluj
FG: Dhammaan saacadaha aan idiin sheegnay waa xilliga geeska Afrika
Gool FM.