(Yurub) 01 Mar 2020. Xanuunka Coronavirus ayaa dhibaato badan ku haya adduuunka oo dhan, waxaana haatan uu saameeyay isdhexgalka bulshada, marka laga eego jihadda kubadda cagta waxa uu ka dhigay mid cabis leh.
Xanuunkan oo ka soo bilawday waddanka Shiinaha ayaa aad ugu baahaya adduunka oo haatan waxa uu noqday mid caalami ah, waana xanuun qatar badan oo la la yaaban yahay sida uu faafayo ee deg-degga badan, waxaana saameyntiisa ay haatan ka muuqataa kubadda cagta.
Waxaana xanuunkaasi dartiis loo baajiyaya kulamo badan la ciyaari lahaa, waxaana jira xiddigo badan oo looga shakisan yahay, xanuunkan iyo cabsi laga qabo in gabi ahaanba la joojiyo tartammadda kala duwan ee isboortig noocyadiisa kala duwan inta xanuunkan laga dabar-jarayo.
Warbixin ku saabsan sida uu xanuunkan Coronavirus u saameeyey ciyaaraha kala duwan waxaa soo jeedinaya Cabdullaahi Xasan Suleymaan (Baliil).
Gool FM.