Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Kooxda Barcelona oo heshiiska ay dib ugu soo ceshanayso Neymar Jr qeyb uga dhigaysa Dembele iyo Griezmann

$
0
0

(Barcelona) 05 Mar 2020. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa in heshiiska ay dib ugu soo ceshanayso Weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Neymar Jr ay qeyb uga dhigayso Ousmane Dembele iyo Antoine Griezmann.

Inkastoo ay soo xero-gelisay ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil samadkii 2017-kii, Barcelona ayaa la sheegayaa inay isha ku heyso inay dib ula midoobaan 28-sano jirkan.

Iyadoo lacagta laga yaabo inay tahay arrinta ugu weyn ee kooxda reer Catalan, mas’uuliyiinta Naadiga ayaa la filayaa inay muujiyaan inay rabaan inay ku soo daraan heshiiska ciyaartoy qeyb-isweydaarsi ah.

Sida uu warinayo Wargeyska Sport, Barcelona ayaa ku faraxsan Dembele iyo Griezmann inay u wareegaan garoonka Parc des Princes haddii ay kor u qaaddo fursadooda dib ula soo saxiixashada Neymar Jr.

Barca 'to offer Dembele, Griezmann in Neymar deal'

Intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee garoonka Camp Nou, Griezmann ayaa dhaliyay 14 gool 35 kulan oo uu saftay tartammada oo dhan.

Dhinaca kale, Kooxda Barcelona ayaa wali doonaysa inay xiddigeeda Dembele qeyb uga dhigto heshiiska ay ku doonayso, kaasoo haatan dhaawac ku maqan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles