Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Paris Saint-Germain oo go’aamisay qiimaha ay ku fasaxeyso Neymar Jr

$
0
0

(Paris) 07 Mar 2020.Paris Saint-Germain ayaa bilaawday inay muujiso dabacsanaan ku saabsan mustaqbalka xiddigeeda reer Brazil ee Neymar Jr, waxayna u muuqdaan kuwo diyaar ah inay iska iibiyaan suuqa xagaaga ee soo aadan, gaar ahaan maadaama uu xiddigan yabooh ka helayo kooxdiisii ​​hore ee Barcelona.

PSG ayaa raadineysa inay soo ceshato qeyb ka mid ah lacagtii ay kaga soo qaadatay Neymar Jr labo xilli ciyaareed iyo bar kahor kooxda Barcelona, sidaas darteed ma xiiseeneyso xilligan inay sameyso heshiis kala badelasho ah.

Kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ee Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheeneyso in heshiiska ay dib ugu soo ceshaneyso Neymar Jr ay qeyb kaga dhigto xiddigaha Antoine Griezmann iyo Ousmane Dembélé.

Haddaba wargeyska “Le 10 Sport” ee dalka France ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in maamulka Paris Saint-Germain ay diyaar u yihiin inay iska fasaxaan Neymar Jr marka la gaaro suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo socda, balse waa haddii ay ku helayaan qiimo dhan 180 milyan oo euro.

PSG ayaa dejisay qiimahan, iyadoo lagu saleynayo qawaaniinta FIFA ee ciyaaryahanka siineysa xuquuqda uu kaga tagayo naadigiisa, kaddib 3 xilli ciyaareed qandaraaskiisa ugu horreeya iyadoo aanu dib loo cusbooneysiineynin heshiiska.

Si kastaba ha noqotee, Neymar ayaa isku dayi doona inuu mar kale cadaadis saaro maamulka Paris Saint-Germain, si uu ugu dhaqaaqo Barcelona, iyadoo la ogsoon yahay in xagaagii lasoo dhaafay la arkay wadahadalo u dhaxeeyay labada kooxood, laakiin kuma aysan guuleysan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles