Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Mbappe & Sanches oo hoggaaminaya xiddigaha u sharraxan abaal-marinta laacibka bisha Febraayo ugu fiicnaa horyaalka Ligue 1

$
0
0

(Paris) 10 Mar 2020. Ururka Qaranka Kubbadda Cagta Faransiiska ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha u sharraxan abaal-marinta ciyaaryahanka bisha Febraay ugu fiicnaa horyaalka Ligue 1 ee France, waxaana hoggaaminaya Mbappe & Sanches.

Weeraryahanka PSG ee Kylian Mbappe, laacibka khadka dhexe ee Lille, Renato Sanches iyo ciyaaryahanka kooxda Montpellier ee Teji Savanier ayaa u sharraxan abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa horyaalka Faransiiska ee Ligue 1 bishii Febraayo ee la soo dhaafay.

Mbappe ayaa dhaliyey 4 gool, waxaana uu caawiye ka ahaa 1 kale, afar kulan oo uu ciyaaray horyaalka Ligue 1 intii lagu guda jiray bishii Febraayo, waxaaa taasi ay PSG ku hoggaamisay saddex guul iyo hal barbaro.

Ciyaaryahankii hore ee Bayern Munich, Sanches ayaa labo gool dhaliyey bishaas, iyadoo kooxdiisa Lille ay guul gaartay saddex kulan oo xiriir ah.

Savanier ayaa dhankiisa dhaliyey 3 gool, waxaana uu caawiye ka ahaa gool kale kulamadii ay ciyaartay kooxdiisa Montpellier bishii la soo dhaafay horyaalka Ligue 1.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles