(Paris) 11 Mar 2020. Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa doonaysa inay natiijadii guuldarrada ahayd ee 2-1 ay dhinaca kale u rogaan, marka ay soo dhoweynayaan caawa Borussia Dortmund.
Kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska ee PSG ayaa doonaysa inay soo laabasho sameyso marka ay BVB caawa ku soo dhoweynayso garoonkeeda Parc des Princes lugta labaad ee 16-ka Champions League.
Neymar ayaa u soo dhaliyey halka gool ee ay ku soo dhaliyeen bannaanka kulankii lyugta hore ee ka dhacay Jarmalka, inkastoo Erling Braut Haaland uu labo gool u dhaliyey kulankaas kooxdiisa BVB.
Dhinaca kale kaddib markii uu coronavirus wareeriyey qaaradda Yurub, waxaa lagu dhawaaqay in kulankan la ciyaari doono caawa taageero la’aan iyo garoonka oo faaruq ah, si looga hortago inuu faafo caabuqan halista ah ee coronavirus.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: Yurub – Lugta labaad ee 16-ka EUFA Champions League
Taariikhda: Arbaco, 11 Mar 2020
Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: Parc des Princes
Garsooraha: Anthony Taylor (England)
Wararka Kooxaha:-
Macallinka Kooxda Paris Saint-Germain ee Thomas Tuchel ayaan heli doonin adeegyada Marco Verratti iyo Thomas Meunier kuwaasoo ganaaxan markii ay kaararka digniinta ah qaateen kulankii lugta hore ee 16-ka Champions League.
Tababaraha PSG ayaa dhaleeceeyay taam ahaanshaha Thiago Silva iyo Colin Dagba, halka Kylian Mbappe uusan tababar la qaadin PSG subaxnimadii Isniinta sababo la xiriira jirro awgeed, kulankan uu Edinson Cavani goor hore uga tagay sababo shaqsiyadeed darteed.
Haddii daafaca reer Brazil uusan taam u aheyn inuu ku soo bilowdo, Marquinhos ayaa ka soo muuqan doona daafaca, iyadoo Ander Herrera uu ku soo bilaaban doono safka hore, laakiin Tuchel ayay u badan tahay inuusan ku bilaaban doonin saddex difaac sida uu sameeyay lugtii hore oo kale.
Dhinaca kale Borussia Dortmund, Lucien Favre ayaa awoodi waayey inuu u yeero labada ciyaaryahan ee dhaawacan, Marco Reus iyo Thomas Delaney kulanka lugta labaad ee Dortmund ay la leeyihiin PSG.
Uma muuqato inuu macallinka BVB uu isbedel ku sameyn karo shaxda uu jecel yahay ee safka hore, waxaana laga yaabaa inuu dhab ahaantii magacaabo isla kooxdii ku soo bilaabatay lugtii hore ee 2-1 ay kaga adkaadeen kooxda reer France.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:-
>- Kooxda Paris St-Germain ayaan ku garaacin Borussia Dortmund tartan Yurub ah, iyadoo barbaro la gashay labo kulan, hal kulan oo kalena khasaaro kala kulantay.
>- PSG ayaan u soo gudbin wareegga xiga tartanka Champions League marka ay guuldarro la soo kulmaan lugta koowaad ee kulan bug-bax ah (knockout).
>- Borussia Dortmund ayaa had iyo jeer u gudbaysay wareegga xiga ee tartanka Champions League marka ay guul soo gaaraan lugta koowaad ee kulan bug-bax ah (knockout).
>- PSG ayaa khasaaro la kulantay shan ka mid ah lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay kulammada bug-baxa ee Champions League.
Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-
Gool FM.