(Europe) 14 Feb 2018. Real Madrid ayaa caawa soo dhaweyn doonta PSG lugta hore ee wareega 16-ka Champions League iyadoo maanka ku heysa in tartankani yahay midka kaliya ee bad baadin kara xilli ciyaareedkeeda sii dhimanaya.
Wararka Labada dhinac:
Real Madrid waxaa ganaax uga maqnaan doona daafaceeda garabka Midig ee Dani Carvajal, taa oo la micno ah in Raphael Varane uu ka ciyaari karo booskaasi halka Nacho uu daafaca dhexe ku lamaanin doono Kabtan Sergio Ramos.
Jesus Vallejo iyo Dani Ceballos ayaa dhaawac ku seegi doona.
Zidane ayaana go’aan ka gaari doono haddii uu weerarka caawa ku soo wada bilaabi doono BBC, Bale, Benzema iyo Cristiano Ronaldo.
Tababaraha PSG Unai Emery ayaa shaxdiisa u soo safreysay Spain ka reebay xiddiga qadka dhexe ee daafaca Thiago Motta.
Laacibkii hore ee Real Madrid Lassana Diarra ayaana lagu wadaa inuu ku soo bilowdo si uu u buuxiyo booska xiddiga reer Brazil.
Ogeysiiska Ciyaarta:
Kulanka: Real Madrid vs PSG (Lugta hore ee wareega 16 ka Champions League)
Goobta: Santiago Bernabeu
Goorta: 10:45 Habeenimo
Garsoorka: Gianluca Rocchi (Italy)
Xaqiiqooyinka Kulanka:
PSG ayaa reebtay Real Madrid labo jeer ay horey isugu arkeen kulamo Bug bax ah (1992/93 UEFA Cup iyo 1993/94 Cup Winners Cup), labada jeerba waxay ahayd wareega quarter-finals.
Intii uu xilka hayay Zidane, Real Madrid waxay guuleysatay 10 ka mid ah 14-kii kulan ay ciyaartay Champions League kulamada bug baxa (2-bar baro iyo 2-guul darro), labo jeerna koobka ayay kor u ruxeen, Xilli ciyaareedkanna way soo adkaadeen dhammaan lixdii kulan ay ku ciyaareen garoonkooda Bernabeu.
Real Madrid ayaa gaartay semi-finals todobadii jeer ee ugu dambeysay Champions League waana Rikoodh Taariikh ka noqday tartankan.
Kal ciyaareedkii tagay, Real Madrid ayaa noqotay naadigii ugu horreeyay tan iyo Inter Milan 2010 oo ku guuleysata Champions League kaddib markii ay kaalinta labaad ku soo dhammeysatay wareega Group yada.
PSG ayaa dhalisay 25-gool wareega group yada ee xilli ciyaareedkan waana Rikoodh ay tartanka u dhigtay.
Safafka Macquulka ah ee Real Madrid vs PSG:
Gool FM.