(Paris) 19 Maarso 2018 Laacibka qadka dhexe ee PSG ee Marco Verratti ayaa ka hadlay casaankii uu qaatay kulankii muhiim ka ahaa ee kooxdiisa looga adkaaday 2-1.
Marco Verratti ayaa qaatay jaalihisii labaad kadib markii uu ka hor yimid go’aan garsooruhu uu ku diiday inuu isaga ugu dhigo qalad lagu galay xili kooxdiisa laga doonayay inay dhaliso goolal badan.
Xiddiga reer Talyaani ayaa sheegay inaysan cadaalad ahayn casaankii loo taagay isaga maadaama uu arkayay Messi oo faraha ku taagaya garsooraha kulankii Chelsea isaga oo aan la siin wax digniin ah.
“Waa sax oo qalad ayaan galay laakiin mararka qaar garsoorayaashu waa inay cafis muujiyaan taasina ma dhicin, majirto qof aan liiday” ayuu yiri Marco Verratti.
“Falcelinta garsooruhu hoog ayeey ahayd xili Messi uu farihiisa ku taagay garsooraha mana jirto wax la siiyay, si walba oo ay ahaato waxaan u baahanahay inaan is hagaajiyo inbadan”.
Gool FM