(Paris) 19 Maarso 2018 Kadib guul daradii PSG ay kala kulantay Real Madrid ayaa la faafiyay warar sheegaya in kooxda reer France ay iska dirayso laacibka reer talyaani.
Wakiilka Marco Verratti ayaa la sheegay inuu u bandhigay saxiixiisa kooxda Barcelona oo dhankeeda diiday inay la wareegto 25 jirkaan reer talyaani.
Marco Verratti ayaa beeniyay wararkaas, wuxuuna si rasmi ah u xaqiijiyay inuu go’aansaday inuu sii joogo kooxdiisa PSG maadaama ay caawisay isaga oo aad u da’yar.
Verratti oo waraysi gaar ah bixiyay ayaa la waydiiyay waxa ka jira in Barcelona loo soo bandhigay saxiixiisa, wuxuuna ku jawaabay:
“Taasi waa been, waxaan la hadlay maamulka PSG wayna ogyihiin waxa aan ku fikirayo, wax walba waa ay cadyihiin, waxaan go’aansaday inaan iska joogo”.
“Waxaan go’aansaday inaan guul la gaaro PSG oo aan sii joogo, waa kooxdii i siisay fursad aan horumar ku sameeyay isla markaana aan ku koray ka laacib ahaan iyo ka shaqsi ahaanba”.
“Waxaan rajaynayaa in asxaabtaydu ay sidaas oo kale u fikiraan (Neymar), hal guul daro wax walba ma baabi’inayso, haddii aan doonayno inaan gaarno heerar sare waxaan u baahanahay ciyaartoy cajiib ah, laakiin haddii aan haysano Neymar wax walba waa ay noo fudud yihiin”.
Gool FM