(Paris) 17 Luulyo 2018 Tababarihii ka tagay Arsenal ee Arsene Wenger ayaa ka jawaabay su’aalo badan oo la waydiiyay.
Su’aalaha waxaa qayb ka ahaa haddii uu jiro sharci uu dhaqan galin lahaa haddii uu ahaan lahaa madaxwaynaha dalkiisa France.
Arsene Wenger ayaa sheegay inuu waajib ka dhigi lahaa ciyaarista kubadda cagta, isla markaana uu ku amri lahaa Iskuulada oo dhan inay caruurta baraan ciyaarista kubadda cagta.
Haddii aad ahaan lahayd madaxwaynaha Faransiiska muxuu ahaan lahaa sharciga aad dhaqan galin lahayd? ayaa la waydiiyay Wenger, wuxuuna yiri:
“Waxaan dalka oo dhan waajib uga dhigi lahaa ciyaarista kubadda cagta iyo waliba Iskuulada”.
Gool FM